VISITORS

Oneline users :

Home.Qur'aan.Daruus Diini.Tafsiir.NabiAmaan.Contact us.
Nasheeds.

docaa.

Subac.

Muxaadaro.

TIIRARKA (ARKAANTA) SALAADDA
Tiirarka (Arkaanta) salaaddu waa toddoba iyo toban.
Kan koobaad: waa niyada laabta loo gelsho falka sababtana iyo waqtigana garto, haddii ay farad tahayna farad ahaan u niyaysto.
Kan labaad: in uu yiraahdo asiga oo ismaqlaya rukun kasta oo qowli ah "Al-Laahu Akbar".
Kan saddexaad: waa taagnida faradka taagnida ah.
Kan afaraad: waa akhriska faatixada ayada oo bisinka laga billaabayo iyo shidadkeeda, waxaana shardi ah in la isku xiriirsho akhriska la iskuna xejiyo xuruuftana sifiican loogu dhawaaqo laxni ujeedada leexshana aan lagu derin sida godidda ta'da "ancamta" , laxniga aanan ujeedada leexinayn asiguna waa xaaraan laakiin salaadda burrin mayo.
Kan shanaad: waa rukuuca waana in uu rugmado inta sacabbadiisu ka gaaraan labadiisa jilib.
Kan lixaad: waa in lagu nagaado (rukuuca) in la eg "subxaana allaahi". Waana in xubin kasta meesheeda ku nagaato mar kali ah.
Kan doddobaad: waa joogsiga, waana in uu istaago qofku rukuuca ka dib.
Kan siddeedaad: waa in lagu nagaado joogsiga.
Kan sagaalaad: Waa in uu sujuudo laba jeer, asiga oo foolkiisa oo faydan dhammaantiis ama qaar ka mid ah dhigaya meesha uu ku tukanayo, culayskana saaraya, oo foorarsanaya, ujeedadu waa in uu qaarkiisa dambe ka kormarinayo qaarkiisa hore.
Culumada qaar -mad-habta ka baxsan- waxay dhaheen: shardi ma aha sujuudda in la foorarsado, haddii uu madaxiisu ka sarreeyo qaarkiisa dambe, salaaddu waa ansaxaysaa sida ay qabaan.
Kan tobnaad: waa in lagu nagaado sujuudda.
Kan kow iyo tobnaad: waa in la fariisto labada sujuudood dhexdooda.
Kan laba iyo tobnaad: waa in lagu nagaado fadhiga.
Kan saddex iyo tobnaad: waa in loo fariisto attaxyaadka dambe iyo wixii ka dambeeya ee ah nabiga oo lagu salliyo.
Kan afar iyo tobnaad: Waa attaxyaadka dambe kolkaas buu leeyahay qofku: "at-taxiyaatu al-mubaarakaatu as-salawaatu ad-dayyibaatu lillaahi as-salaamu calayka ayyuhaa an-nabiyyu wa raxmatullaahi wa barakaatuh as-salaamu calaynaa wa calaa cibaadillaahi as-saalixiin ash-haddu an laa ilaaha illaa allaahu wa ash-haddu anna muxamadan rasuulullaahi" ama inta ugu yare e ah "at-taxiyaatu lillaahi salaamu calayka ayyuhaa annabiyu wa raxmatullaahi wa barakaatuh salaamun calaynaa wa calaa cibaadillaahi as-saalixiin as-haddu an laa ilaaha wa ash-haddu anna muxamadan rasuulullaahi".
Kan shan iyo tobnaad: waa nabiga oo lagu salliyo waxaana ugu yar: "al-laahumma salli calaa muxamad".
Kan lix iyo tobnaad: waa salaama naqsiga waxaana ugu yar: "as-salaamu calaykum"
Kan toddoba iyo tobnaad: Waa isku xejinta (arkaantaas), haddii qofku kas uga tago sida asiga oo sujuuda inta uusan rukuucin salaaddiisu way buraysaa, haddii uu sahwiyana waa in uu u noqdo (rukunkii uu ka soo tegay) inta uusan rukunka kale gaarin ama uu rukun kale ka gudbay oo ragcadii ku dhammaatay kana tegay wixii uu ku sahwiyay, haddii uusan xasuusan, kolkaa waa in u laabto rukuucii haddii uusan gaarin rukuuca kale ee ka dambeeya joogsiga kale, ama haddii uusan gaarin sujuudda ka dambaysa wuxuu ka tegayaa intii uu sameeyay labadaa inta u dhaxaysa.

SALAADDA JIMCAHA IYO JAMAACADA
Jamaacadu waxay fardu kifaaya ku tahay raga xorka ah ee nagaadiga ah ee qaangaaray ee aanan wax cudurdaar ah lahayn .
Jimcaduna fardu-cayn bay ku tahay haddii (raggaas) tiradoodu afartan qaangaara oo deggan guryo yihiin aanna degganayn teendhooyin, maxaa yeelay jimcuhu dadka teendhooyinka deggan ku waajibi mayso.
Waxaa kale oo jamaacadu ku waajibaysaa qofkii niyaysta in uu ku nagaado agtooda afar maalmood oo dhamaystiran oo ka baxsanyihiin maalinta uu soo gelayo iyo maalinta uu baxayo.
Waxaa kale ee ay ku waajibaysaa (jimcadu) qofkii maqlaya aadaanka dhinaca soo xiga ee degmada jimcadu ka jirto.

SHURUUDAHA JIMCADA
1. Waqtiga duhurka.
2. Iyo laba khudbo oo ka horreeya (salaadda jimcaha) oo afartanka qof dhegaysanayaan.
3. In ay jamaaco ku tukadaan (Jimcaha).
4. In aanay isla markaa ka jirin khutbo kale isla magaaladaa lafteeda.

Haddii ay middood xirashada ku horrayso, middaa horraysa ayaa ansaxaysa, tan laga hormarayna ma ansaxayso, taasina waa haddi ay u suurta gelayso dadkaa in ay isugu yimaadaan, haddiise ay taasi dhib noqoto labaduba way ansaxayaan.

Tiirarka labada khudbana waa:
1. Mahadnaqa alle iyo nabiga nabadgelyo iyo naxariise korkiisa ha ahaatee oo lagu salliyo, iyo in labadoobada alle kacabsi la iskula dardaarmo.
2. Iyo aayad la fahmayo oo la akhriyo inta lagu jiro labada khudbo middood.
3. Iyo mu'miniinta oo loo duceeyo khudbada labaad dhexdeeda.

Shuruudda labada khudbana waa:
1. In laga daahir ahaado labada xumays (xadath) iyo najaasada jirka korkiisa ahaata meesha ama wixii la sido. 2. Iyo cawrada oo la asturo.
3. Iyo in qofka khudbaynaya istaago.
4. Iyo labada khudbo dhexdooda oo la fariisto, iyo in tiirarkeeda (arkaanteeda) la isku xejiyo.
5. Iyo in la xiriirsho (aan la kala dheerayn) khudbada iyo salaadda. 6. Iyo in labada khudbo (arkaanteedu) af Carabi ahaato.

KU XIRASHADA IMAAMKA
Waxaana ku waajib ah qofkii ku xirta jimcaha ama salad kale: In uusan imaamka ka hor marin istaagga iyo xirashada, taa daaye, salaaddu waa buraysaa haddii imaamka lala dhaho xirashada, waana la kahdaa haddii lala dhaho mararka kale, intaan aamiinta ahayn.

Waxaana xaaraan ah in imaamka rUkun fal ah (sida Rukuuc ama sujuud iwm) laga hormaro, salaadduna way ku buraysaa haddii imaamka laga hormaro laba rukun oo fal ah oo isku xiga oo dheer, Ama rukun dheer iyo mid gaaban cudurdaar la'aan.

Waxaana taa la mid ah in laga dib dhaco imaamka laba rukun cudurdaar la'aan, ama in kabadan saddex rukun oo dhaadheer cudurdaarba ha ahaadee, haddii uu qofku imaamka kadibdhaco si uu faatixada akhriskeeda u dhammeeyo, inta uu imaamku ka dhammeeyo rukuuca iyo labada sujuudood ee u fariisto attaxyaadka ama uu istaago, waa in uu qofku ka tago faatixada akhriskeeda oo uu haleelo imaamku halka uu marayo kadibna rakco la yimaado kolka imaamku salaama naqsado, hadduuse qofku dhameeyo akhriska faataxaad intaa ka hor wuxuu u soconayaa sidii salaaddiisu isugu xigtay.

- Waana in uu ogaado (Ma'muunku) dhaqdhaqaaqa imaamkiisa.
- Waana in ay ku kulmaan (Imaamka iyo ma'muunku) masjid dhexdii ama meel fogaanteedu tahay saddex boqol oo dhudhun oo gacanta ah.
- Waana in uusan u dhaxayn teed aan laga gudbi karin.
- Waana in ay islahaato salaaddoodu, mana ansaxayso in uu ku xirto mid farad tukanaya mid salad janaaso tukanaya.

Waana in aanuu (ma'muumku) kaga duwanaan imaamka sunno kala duwanaantu ku xuntahay sida attaxyaadka hore, ujeeddadu waa in ay fadhiga iyo joogsiga isku raacaan, haddii imaamku fariisto ma'muumkuna waa in uu fariisto haddii imaamku ka tagana ma'muumkuna waa in uu la istaagaa.

Waana in uu kuxirashada niyaysto kolka uu xiranayo jimcada, salaadaha kalena inta uusan ku dayan, ujeedadu waa inta uusan kas ugu dayan, haddiise uu niyadla'aan ku daydo salaaddiisu way buri, ama inbadan ha sugo ama yuusan sugine, inkasta uu wax badan sugo uusanna ku dayan falalkiisa salaaddiisu ma burayso. Haddiise uu kama' ugu daydo asiga oo aan u kasin salaaddiisu ma burin. Imaamkana waxaa ku waajib ah in uu niyaysto imaamnimada salaadda jumcada iyo nidda naqtiinka ah inta kalena waa loo sunneeyaa.

SALAADDA NAQTIINKA AH
Salaadda naqtiinka ahna waa midda uu qofku tukanayo mar labaad asiga oo mar hore tukaday ama jamaaco la tukaday haddii uu helo nin jamaaco ahaan ula tukada , ama uu jamaaco ku tukaday hase ahaatee uu doonay in u yimid jamaacada u sameeyo si aan fadliga jamaacadu uga fakan.
MAYDKA DHAQIDDIISA
Dhaqidda maydka iyo kafantiisa iyo salaadda lagu tukado iyo duugistiisu waa fard kifaayo haddii uu yahay muslim asiga oo nool dhashay. Gaal haddii uu yahayna waxaa u waajib ah kafanka iyo duugta.
Haddii uu dhicis dhintay yahayna wuxuu xaq u leeyahay dhaqid iyo kafan iyo duug, laguna tukan mayo labadaa midna (gaalka iyo dhiciska).
Qofkii ku dhinta dagaalka gaalada (Jihaadka) dharkiisa ayaa lagu kafani haddii uu ku fillaan waayana waa loo kordhin. Waana la duugi lana dhaqi mayo laguna tukan mayo. Dhaqiddana waxaa ugu yar: najaasada oo la xalo iyo jirkiisa oo dhan iyo timihiisa si kasta oo ay u badanyihiin in lagu ekeeyo hal mar biyo daahir ah.
KARFANTA MAYDKA
Kafantana waxaa ugu yar: mid dhammaan jirka oo dhan dedda iyo saddex duub qofkii ka taga xoolo dheeraad ka ah dayntiisa aanna ka dardaarmin in laga tago.

SALAADDA JANAASADA
Salaaddana waxaa ugu yar: in uu niyaysto falka salaadda ee uu korkiisa ku tukanayo iyo faradka (kifaayaha).
Wuxuuna si gaar ah u tilmaamayaa qofka dhintay haddii uu doono tilmaan laabta ah ha ahaatee.
Kolkaas ayuu leeyahay "Allaahu Akbar" asiga oo taagan, haddii uu awoodo, kadibna faatixada ayuu akhrinayaa, kadibna wuxuu leeyahay "al-laahu akbar, al-lahuma salli calaa muxamad".
Kadibna wuxuu leeyahay: "al-lahu akbar, al-lahuma aqfir lahu war-xamhu" kadibna wuxuu leeyahay "al-lahu akbar, as-salamu calaykum".
Waxaana lagama maarmaan ah shuruudaha salaadda iyo in laga fogaado waxyaabaha burrinaya.

DUUGIDDA MAYDKA
Duugistana waxaa ugu yar god qarinaya urkiisa kana dhowraysa dugaagga. Waxaana sunno ah in godka la dheereeyo qof jooggiis iyo gacma taagga, lana ballaarsho. Waxaana waajib ah in qiblada loo jeedsho. Mana bannaana in lagu duugo goobta fisqiga.