VISITORS

Oneline users :

Home.Qur'aan.Daruus Diini.Tafsiir.NabiAmaan.Contact us.
Nasheeds.

docaa.

Subac.

Muxaadaro.

SALAADDA IYO DAHAARADA

SALAADAHA WAAJIBKA AH
Waxaa waajib ah shan salaadood maalin iyo habeen kasta.
Duhurka: oo waqtigiisu yahay kolka qorraxdu marto dhinaca qorrax dhaca (kolka qorraxdu wareegto) Inta laga gaaro kolka wax kasta hooskoodu la mid niqdo.
Casirka: oo waqtigiisu yahay waqtiga duhurka kadib inta qorraxdu ka dhacdo.
Maqribka: oo waqtigiisu yahay wixii ka dambeeya qorraxdhaca iyo intii daruurta casi (cirguduudka) ka qarsoonto.
Cishaha: oo waqtigiisu yahay waqtiga maqribka kadib iyo inta uu ka soo muuqanayo waaberigu.
Subaxa: oo waqtigiisu yahay waqtiga cishaha kadib inta qorraxdu ka soo baxdo.
Kolka waxaa waajib ku ah qofka in uu guto salaadahaas waqtigooda muslim kasta oo qaangaar ah caqlina leh daahirna ah ujeedaduna waa inta aan ahayn haweenayda xaylka qabta ama tan umusha ah. Waxaana bannaanayn in waqtigeeda laga soo hormariyo ama laga daba mariyo cudurdaar la'aan.

Haddii uu yimaado lamafilaan sida xaylka kadib kolkii waqtigii in ku filan salaadda iyo is daahirinta sida qofka kaadi-diririqa qaba waxaa waajib ah in la qalleeyo. Ama ay wixii salaadda u diidayay dhamaadeen waqtigiina uu ka haray in ku filan hal takbiitad waxaa waajib ah in uu guto, sidoo kale wixii salaaddaas ka horreeyay haddii lala tukado, kolka casarku wuxuu la waajibayaa dukurka haddii wixii salaadda celinayay ay dhamaadaan waqtigana uu ka haro hal takbiiro in ku filan inta aanan qorraxdu dhicin. Cishuhuna maqribka ayuu la waajibayaa haddii qofku haleelo takbiirad in ku filan waqtigeeda inta aanan waagu beryin.

SALAADDA IYO CARRUURTA
waxaa ku waajib ah qofka mas'uulka ka ah carruurta garaadsaday in uu faro salaadda oo uu baro axkaamtooda kolka ay toddoba jirsadaan, uuna ku garaaco haddii ay ka tagaan haddii ay toban jirsadaan sida soonka haddii ay awoodaan.

Waxaa kale oo ku waajib ah in uu baro caqiidada iyo axkaamta sidaa baa waajib ah iyo sidaa baa xaaraam ah iyo sharci ahaanta cadaysiga iyo jamaacada. Ibn al-Jawsi wuxuu kitaabkiisii "xifd al-cilm" ku yiri: haddii carruurtu garaadsadaan waxa ugu horreeya ee la barayaa waa xogoo caqiidada ah kadibna arrimaha dahaarada kadibna xogoo quraan ah.

Waxaana ku waajib ah mas'uuliinta (Madaxda) in ay dilaan qofka salaadda ka taga caajisnimo haddii uusan towbad keenin xukunkiisuna waa muslimnimo. Waxaana muslim kasta ku waajib ah in uu faro salaadda qoyskiisa iyo dhammaan inta uu awoodo ee kale.

SHURUUDAHA SALAADDA
Salaadda shuruudaheeda waxaa ka mid ah waysaqaadka waajibkiisuna waa lix:
Kan koobaad: waa niyadda salaadda loo dahaaro qaadanayo ama wixi la mid ah ee gudaya kolka foolka la dhaqitago, waana in ay niyadu ku xiriirsanaato fooldhaqa sida shaafici qabo, waana bannaan tahay haddii niyadu wax yar ka hor marto fooldhaqa sida maalik qabto.
Kan labaad: waa dhaqidda foolka dhammaantiisa laga soo billaabo halka ay timaha madaxu ka soo baxaan oo garka lagu tago iyo labada dhegood inta u dhaxaysa timo iyo lud intaba, kuma jiraan timaha garka hoostooda iyo haareedkiisu haddii ay bataan.
Kan saddexaad: waa gacmaha oo la dhaqo inta xusullada iyo wixi dushooda ah laga gaaro.
Kan afaraad: waa madaxa in la masaxo ama qaar ka mid ah haddii ay doonto hal tin ah oo madaxa ku taalla ha ahaatee.
Kan shanaad: waa labada lugood oo la dhaqo inta qoobabka laga gaarayo, ama la masaxo caga-gashiga haddii shuruudihiisu dhamaystirantu.
Kan lixaad: waa in sidaa la isugu xejiyo.

WAXYAABAHA WAYSADA BURRINAYA
waxaana waysada burrinaya:
1. Wixii ka soo baxa labada xumays middood intaan shahwada ka ahayn.
2. Waxaa kale oo burrinaya aadanaha xumaystiisa hore oo la taabto ama weegaarka xumaysta dambe gacanta cad lagu taabto ayada oo aan wax ka xigin.
3. Waxaa kale oo waysada burrinaya taabashada haweeney aan xigtadaada ahayn oo la raboonaayo, sida mad-habta Shaaficiyadu qabto.
4. Waxaa kale oo burrinaya garaadka oo taga, oo aan hurdo uu qofku si fiican salka dhulka ugu haysto ahayn.

DAHAARADA AMA ISNADIIFINTA
Waxaa waajib ah in la isaga xalo biyo qoyaan kasta oo ka yimaada labada xumays oo aan ahayn shahwada inta meeshu calas ka noqonayso, ama la iska tiro saddex jeer iyo in ka badan inta meeshu calas ka noqonayso, inkasta oo raadku sii muuqdo.

Waxaana lagu istanjoonayaa wax waxtira oo daahir ah adagna qiimana aan lahayn sida dhagax ama xaasho inkasta oo biyo yaallaan haddii aanay najaasadu fidin ama qallalin. Haddiise najasadu ka fiddo halkii ay ku tiillay ama qallasho waxaa waajib ah in biyo lagu xalo.

Waxaa kale oo shuruudaha salaadda ka mid ah in waxyaabaha waawayn ee qabayska waajibinaya laga qabaysto ama laga gabagabbaysto qofkii aan awoodin in uu ka qabaysto, waxaana waajibinaya shan walxaato: shahwo soo baxda iyo isutagga ninka iyo naagta, iyo caadada haweenka, iyo dhiigga haweenka ka yimaada iyo dhalmada.

Waajibaadka qabayskuna waa labo: niyada si waxyaabahaa waawayn iwm looga qabaysto iyo in biyo lagu ekeeyo dhammaan jirka ama korka ha ahaato ama timahae si kasta oo ay u badanyihiin.

SHURUUDAHA DAHAARADA
1. Islaamnimada
2. Iyo qaangaarka
3. Iyo in aan wax ka celinayaahi jirin biyaha si ay u gaaraan waxa la dhaqayo.
4. Iyo in ay biyuhu maaxaan.
5. Iyo in biyuhu ahaadaan kuwo wax daahirsha, waana in aanay doorsoomain oo aan magacoodu isbedelin ayada oo uu ku darsoomayo wax kale oo daahir ah oo biyuhu ka dhanyihiin. Ujeedadu waa sida asiga oo ku dheehma wax daahir ah sida caanaha ama inqaasta iwm, haddiise ay doorsoomaan biyuhu dheehaas oo aanan biyaba kolkaa lagu magacaabi karin dahaaro kuma suubana.

Haddiise uu ku doorsoomo wax aanay biyuhu ka maarmayn, sida haddii ay ku doorsoomaan wax ku jira nagaadigooda ama surinkooda iwm ee ay dhib tahay in biyaha laga dhowro waxba dhibi mayaan biyuhuna kuwa wax daahiriya ayay ahaanayaan si kasta oo ay u doorsoomaan.

Waana in aanay biyuhu najaasad gaartay awgeed u doorsoomin doorsoon yarba ha ahaadee. Haddii biyuhu laba qul ka yaryihiinna waa in uusan la kulmin wax aan najaaso aad u yar ahayn, waana in aanay ahaan kuwo loo adeegsaday qabays ama najaaso laysaga maydhay.

QOFKII AAN BIYO HELIN AMA BIYUHU DHIBAYAAN
Qofkii aan biyo helin ama ay biyuhu dhibayaan wuu gabagabaysan kadib marka waqtigu galo ee najaasada aan wax yar ahayni ba'do asiga oo adeegsan carro daahir ah oo bay leh asiga oo marinaya wajiga iyo labada gacmood iskuna xejinaya laba jeerna sacabaysan asiga oo niyaysan in uu waajibka salaadda guto asiga oo qaadan oo marin foolka qaybtiisa hore.

QOFKII WAYSADU KA JABTO
Qofkii waysadu ka jabto waxaa ka xaaraan ah salaadda iyo dawaafka iyo qaadista musxafka iyo taabashadiisa, carruurta waxbaranaysana taasi way u bannaantahay.

Qofka junubka qabana inta la soo sheegay oo dhan waa ka xaaraan iyo quraan akhriska iyo masjidka oo uu ku nagaado haweenayda xaylka iyo nifaasku hayaanna intaas oo dhan uma bannaana iyo soonka inta aanan dhiiggu ka joogsan.

Waxaa sidoo kale ka reebban gabadha dhiigga qabta in ay ninka ama kan leh (haddii ay tahay qof la leeyahay) u ogolaato in ay uga raaxaystaan inta u dhaxaysa xuddunta iyo jilbaha qabayska ka hor, waxaa kale oo la yiri xaaraan ma aha wixii aan u tegidda ahayn.

shuruudaha salaadda waxaa kale oo ka mid ah:
1. In najaasada laga xalo jirka
2. Iyo dharka
3. Iyo meesha
4. Iyo wixii la sito sida dhalo jeebka uu ku sido.

Hadii ay najaaso taabato qofka ama wax uu sitay salaadiisu way jabaysaa. Haddii uusan isla markiiba iska tuurin oo ay ahayd najaaso qallalan ama ay ahayd wax yar sida dhiig ka yimid dhaawaciisa.

Waxaa waajib ah in najaasadu haddii aanay wax yar ahayn la iska xalo ayada oo lagu dhaqayo lafteeda iyo wixii dhadhan iyo midab iyo ur ay leedahay biyo wax daahirsha, midda aan loo jeedinna korkeeda biyo lagu dareersho. Najaasada aan la arkaynna waa midda aan la arki karin midabkeeda iyo dhadhankeeda iyo urkeeda.

Najaasada aygana (iyo tan doofaarka) waxaa la dhaqayaa toddoba jeer oo mid ka mid ah ay ku dheehantahay carro wax daahirisa, dhaqidda tirta najaasadana si kasta oo loogu naqnaqo waa mid, waxaana shardi ah in biyuhu dareeraan haddii ay yaryihiin.

Waxaa shuruudaha salaadda ka mid ah:
1. In qiblada loo jeesto
2. Iyo in la gaaro waqtigii salaadda
3. Iyo islaamnimo
4. Iyo garaadka: oo ah in carruurtu ay garto da' ay garanayaan hadalka oo ay ka jawaabayaan.
5. Iyo in la ogaaddo in salaaddu waajib tahay.
6. Iyo in aanuu qofku umalyn qaar waajibaadka salaadda ka mid ah in ay sunno yihiin.
7. Iyo in la isku asturo wax qarinaya jirka midabkiisa dhammaan jirka marwada intaan wajiga ahayn iyo labada gacmood iyo wax astura inta xuddunta iyo jilibka u dhaxaysa ragga iyo gabadha jaariyadda ah oo dhinac walba ah oo aan hoos ahayn.

Salaaddu waxay ku buraysaa:
1. Hadalka laba xarafba ha ahaadee ama xaraf la fahmayo haddii uusan qofku illoobin hadalkuna uusan yarayn.
2. Falka badan, fuqahada qaarna waxay qabaan in uu yahay wax qaadanaya hal ragco waqtigeed in la eg, waxaa kale oo la yiri: waa saddex nuuxsasho oo isku xigta kan hore ayaana daliil adag.
3. Iyo dhaqdhaqaaqa badan.
4. Iyo in lagu daro rukun fal ah.
5. Iyo hal nuuxsi oo ciyaar ah.
6. Iyo Cunitaanka iyo cabitaanka, in uu illaabo oo uu yaryahay mooyaane.
7. Iyo in uu niyaysto salaandda ka bixiddeeda.
8. Iyo salaadda ka bixiddeeda oo uu wax kale ku xiro.
9. Iyo haddii uu ka labalabeeyo.
10. Ama uu rukun tukado asiga oo xirashadi ka shaki qaba ama shakigiisu dheeraado.

Waxaa inta la soo sheegay la jira in ay shardi u tahay aqbalka salaadda Ilaah agtiisa nasahnaayee oo kor ahaayee, in qofka uu salaadda xag Alle oo kaliya u niyaysto, iyo in uu ahaado quudkiisu iyo furkiisu iyo meesha uu ku tukanayo xalaal, iyo in qalbigiisu u khushuuco Ebbe inta uu salaadda ku jiro ilbiriqsiba ha ahaatee, haddii aanay taasi dhicin, salaaddiisu way ansaxaysaa sawaab la'aan.

                                                                                        
Sii akhri inta kale